Filimka Tanhaji ayaa ku gudo jiro todobaadkiisa todobaad asigoona wali tiyaatarka baaqi kusii ah isla markaasna ganacsi wacan halkaas ka sameynaayo.

Filimkaan oo Mumbai iyo hareeraheeda rikoor taariikhi ah ka dhigay ayaa ganacsigiisa todobaadkiisa 7aad si adag isku celinayaa wuxuuna sadaxdiisa maalin ugu horeyso ee todobaadkiisa todobaad keenay 2 crore taasoo ka dhigan in Week 7 uu filimkaan markale ganacsi taariikhi ah sameyn doono.

Tanhaji ayaa jimcadiisii 7aad keenay 50 lakh asigoona sabtidiisii 7aad sare u kac fiican sameeyay wuxuuna soo xareeyay 65 lakh halka axadii shalay aheyd siweyn sare ugu kacay misna keenay 85 lakh taasoo ka dhigan in mudo 3 maalin filimkaan ku keeno 2 crore nadiif ah.

Tanhaji haatan ganacsigiisa guud wuxuu marayaa 267 crore wuxuuna sida ay u muuqato toogtaan ku istaagi doonaa 270 crore ilaa 271 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here