Superstar-ka weyn ee reer Kannada Dr Shiva Rajkumar filimkiisa xiga ee la wada sugaayay ayaa goos goos aad u saameyn badan laga soo bandhigay mashruucan saameynta leh waxaa lagu magacaabaa Aayushmanbhava waana filim qaabka loo dhigay goos gooskiisa laga wada helay.

Dr Shiva Rajkumar ayaa taageerayaashiisa farxad galiyay kadib markii uu shaaca ka qaaday in 15-ka bishan November ama Jimcadan filimkiisa la daawan doono dhan walbo ka dheeli tiran yahay Action, arimaha qoyska, jaceyl iyo shactiro waxaana Director ka ah P Vasu.

Filimka Aayushmanbhava waa mid la isugu keenay qaar ka mid ah jilaayaasha Kannada ama shirkadooda Sandalwood waxaana doorar muhiim ah ku leh Ananth Nag, Rachitha Ram, Shivaji Prabhu, Suhasini Manirathnam, SadhuKokila, Rangayana Raghu iyo kuwo kale.

Filimkan weyn ee daawashadiisa maalmo kooban naga xigto fadlan goos gooskiisa hoos ka daawo waa hubanti inaad ka heli doontid mashruuca u diyaarsan Superstar Dr Shiva Rajkumar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here