Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay goos gooska filimka Commando 3 ee uu hogaamiye ka yahay Vidyut Jammwal waana taxane uu xidigan ku caan baxay Action, xarakaad iyo dhibaato joogto ah ugu imaaw Commando oo ka mid ah taxanayaasha dhanka Action-ka aan lagu gaaray sidoo kalena aad loo jecel yahay.

Commando 3 waxaa Vidyut Jammwal ku wehilyaan Gulshan Devaiah iyo Adah Sharma waxaana looga hadlaa weeraro caalami iyo kuwo argagaxiso oo Hindiya kusoo fool leh sida uu qatartaas kaga bad baadinaayo Vidyut Jammwal oo mashruucan loogu yeerayo Karan Singh Dorga.

Filimka Commando 3 waxaa Director ka ah Aditya Datt waxaana la daawan doonaa 29 Nov 2019 waxaana isla maal galiyeen shirkadaha Reliance Entertainment, Motion Picture Capital, Sun Shine Pictures iyo Vipul Amrutlal Shah Production.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Commando 3 hubanti ahaan adigaaba ka heli doontid filimkan Action-ka heerka sare Vidyut Jammwal kusoo bandhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here