Waxbaa ka dhacay goos goos diyaarsan oo soo jiidasho badan ayaa laga soo bandhigay filimka Drive oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sushant Singh Rajput iyo Jacqueline Fernandez balse nasiib daro filimkan xiisaha badan tiyaatarada lama saarayo ee si Digital am ama Online ahaan ayaa looga daawan doonaa Netflix.

Filimka Drive waxaa soo saare ka ah Karan Johar shirkadiisa Dharma Productions madaama marar kala duwan la baajiyay xiligii la daawan lahaa wuxuu haatan waayay qolyo mashruucan qaataan ama iibsadaan oo tiyaatarada saaraan sidaa darteed Karan wuxuu keenay fikrad ah inuu Netflix ka iibiyo lagana daawado asigoo noqonaayo filimkii ugu horeeyay ee Hindi ah oo tiyaatarka loogu tala galay si Online ah loo daawado waayo awal waxay ahaan jirtay marka filimka tiyaatarka la saaro ayaa Online ana TV dib looga daawan jiray bilooyin kadib.

Filimka Drive waxaa Director ka ah  Tarun Mansukhani waxaana Netflix si Online ah looga daawan doonaa 1 November 2019 ama mudo 12-maalmood kadib waxaana laga wada helay goos gooska 2-daqiiqo ku dhow soconaayo ee filimkan laga soo bandhighay qaabka xatooyada Sushant iyo Jacqueline u sameenayaan iyo goobaha quruxda badan ee lagu duubay.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Drive adigaaba ka heli doontid qaabka loo agaasimay iyo sida ay isugu soo baxayaan Sushant iyo Jacqueline Fernandez:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here