Suriya, Mohanlal, Arya, Sayyeshaa iyo Boman Irani filimkooda Tamil-ka ah Kaappaan in ka badan 5-milyan oo qof ayaa goos gooskiisa barta Youtube ka daawadeen welina hadal heyntiisa aad ayay u sareysaa filimkan fariintiisa arimaha siyaasada ku saabsan tahay.

Filimka Kaappaan waxaa la daawan doonaa 20-ka bishan September waxaana Director ka ah K. V. Anand ayadoo luqadaha Tamil iyo Telugu lagu daawan doono waana filim hadal heyntiisa aad u sareyso madaama jilaayaal miisaan culus oo fanka Koonfur Hindiya maqaam ku leh la isugu keenay sida Suriya iyo Mohanal.

Suriya oo filimkan Action-ka hogaamiye ka ah wuxuu u eg yahay askari dhar cad oo qarsan shaqadiisa balse hawlo culus oo arimaha sirdoon qabanaayo waxaana mashruucan loo duubay si caalami ah waana hubaal inaad goos gooska ka heli doontid marka aad hoos ka daawatid kadibna fikir kaaga nala wadaag:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here