Natural Star Nani wuu soo laabtay waxaana goos goos heer sare ah laga soo bandhigay filimkiisa cusub V waana filim Action, xarakaad iyo qayaano isku jirto waxaana xusid mudan in Nani filimkan waj qamarjinimo oo awood ku dheehan inuu shaashada kusoo bandhigi doono.

Filimka V waxaa door askari awood badan ku matalaayo Sudheer Babu oo i xul saaran qaladaadka Nani uu galaayo ka hortago waxaana dhex mari doono dagaal aan waxba la isku reeban doonin iyo xifaaltan xiiso badan waxaana lagu tilmaamay dagaalkooda mida bisada iyo jiirka dhex maro ee aan dhamaadka laheyn.

Filimka V waxaa doorar muhiim ah ku leh labada atirisho ee kala ah Aditi Rao Hydari iyo Nivetha Thomas waxaana mashruucan Director ka ah Mohan Krishna Indraganti kaasi oo Nani fanka Telugu kusoo daray halka Dil Raju uu soo saare ka yahay.

Aqrisratayaasha qiimaha badan filimka V waxaa la daawan doonaa 25 Maarso 2020 waxaana filim si heer sare ah loo agaasimay Action-kiisa iyo xarakaadkiisa, fadlan hoos ka daawo goos gooska mashruucan hubaal waad ka heli doontaa Nani iyo Sudheer Babu xifaaltankooda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here