Waxaan horey idin kula wadaagnay Megastar Salman Khan muuqaalkiisa ama aragtidiisa kowaad filimka Antim: The Final Truth ee uu ku matalaayo askari Punjabi mayal adag waxaana hogaamiye ka ah Salman seedigiis Aayush Sharma oo la doonayo mashruucan inuu Bollywood-ka ku sal dhigto.

Haatan Salman Khan oo mashruuca Antim maal galinaayo wuxuu soo bandhigay goos goos kooban (Teaser) oo 35-ilbiriqsi soconaayo una gaar ah doorka Aayush Sharma laguna soo bandhigay sida wiilkan jir ahaan isku badalay aadna isku diyaariyay si uu doorkiisa gaangester-ka kaga run sheego.

Sidoo kale muuqaalkan kooban waxaa xiiso weyn u yeelay in Salman Khan xitaa kasoo muuqdo weliba si xarakaad ku dheehan wuxuuna gacanta ka qabaa Aayush oo feer soo ridaayo xili uu murqo lasoo baxay oo xabadkiisa banaan yahay halka Salman uu la mid yahay isagana sidii lagu yaqiinay murqihiisa banaanka soo dhigay. Waana muuqaal Hindiya siweyn u gil gilay.

Filimka Antim waxaa Director ka ah Mahesh Manjrekar waxaana la daawan xagaaga sanadka dambe 2021 waana filim xiisahiisa wato oo Salman caawiye ka yahay halka Aayush hogaamiye ka yahay, fadlan hoos ka daawo muuqaalkan xiisaha badan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here