Filimka Housefull 4 ayaa maalintiisii afaraad tiyaatarka saaran asigoona maanta oo isniin ah uu jiro fasax qaran kaasoo la xiriira feestada Diwali waxaana maanta lamid ah bari.

H4 ayaa subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 25% ilaa 30% hase yeeshee duhurkaan ayuu laban lab sare u kacay bacdamaa uu ku furmay 60% ilaa 65% waana bilaabashadiisii ugu wanaagsaneyd.

Housefull4 ayaa sidoo kale la filanayaa in caawo fiidkii uu garaaci doono 75% isla markaasna tiyaatarka lasooi buuxin doono waxaana sida uu ku socdo hadii laga cabir qaato uu keeni karaa maanta qiyaastii 25 crore.

Hadii caawo fiidkii uu sare u kac waali ah sameeyo sidoo kalana saq dhexe caawo hoos u dhac weyn sameynin meesha lagama saari karo inuu 25 crore ka sare mari doono.

Daawadayaasha ayay u muuqataa ineysan marnaba dhag jalaq u dhigin ceebaha filimkaan loo yeelay waxayna siweyn u daawanayaan filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here