Waxaa jimcadii lasoo dhaafay tiyaatarka India lasaaray filimka weyn ee Housefull qeybtiisa 4aad wuxuuna filimkaan sadaxdiisii maalin ugu horeysay keenay lacago u dhaxeeyo 49 ilaa 50 crore asigoona ganacsigiisa ku socday qaab Normal ah maadaama feestada Diwali lagu jiray.

Hadaba maanta oo isniin ah gudaha India fasax qaran ayaa ka jira feestada Diwalina waa laga soo laabtay hadaba Housefull4 sidee ayuu subaxaan ku furmay?

H4 ayaa maanta oo isniin ah ugu bilaabasho wanaagsan asigoona subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 30% ilaa 35% waana bilaabashadiisii ugu ficneyd tan iyo markii filimkaan tiyaatarada la saaray.

H4 ayaa la filayaa in maanta duhurkii sare ukac xoogan sameeyo sidoo kalana caawo fiidkii halkii ugu sareysay gaaro hadii ay taas dhacdana filimkaan ayaa macquul ah inuu keeno lacago u dhaxeeyo 19 ilaa 20 crore nadiif ah.

H4 ayay u badantahay in dhaleeceynta joogtada aysan ganacsigiisa maalmaha fasaxa waxba u dhibi doonin  oo uu ganacsigiisa iska sii wadan doono balse taas badalkeeda laga dhar sugaayo siduu isku celiyo laga bilaabo maalmaha shaqada iyo hadii tijaabada ku baasi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here