Inaba caadi ma ahan Jr. NTR aragtidiisa kowaad filimka RRR

0
955


Director SS Rajamouli ayaa qof walbo kaga yaabsaday muuqaal kooban uu kasoo bandhigay Jr. NTR aragtidiisa kowaad filimka weyn RRR u gaar ah waxaana NTR filimkan loogu yeeraa dagaalyahan Bheema waana shaqsi xurnimada Hindiya u dagalamayo waqtigii 1920-aadkii Ingiriiska Hindiya gumeesan jireen.


Filimka RRR NTR waxa la hogaaminayo Ram Charan sidoo kalena Ajay Devgn iyo Alia Bhatt ayaa doorar muhiim ah ku leh waxaana dhawaan dib loo amba qaaday duubista filimkan oo hakad ku timid tan iyo saameyntii Koroonaha.


Filimka RRR waxaa Director ka ah SS Rajamouli oo ku caan baxay Bahubali labadiisa qeybood wuxuuna mashruucan xambarsan yahay miisaaniyad 450 Crore ($61m) qorshaha wuxuu ahaa in la daawado 8 Jan 2021 balse hadda dib u dhac ayaa ku imaan doono madaama duubistiisa hakad weyn ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here