Kangana filimkeeda Panga ayaa jimcadiisii koowaad ganacsi aad u liito sameeyay wuxuuna keenay kaliya 2 crore waana arin niyad jab ku noqotay kooxda filimkaan.

Balse filimkaan ayaa shalay oo sabti aheyd sameeyay sare u kac 110% waana arin cajiib ah wuxuuna keenay 4.25 crore balse wadarta guud ee filimkaan mudo labo maalmood (6.25 crore) waxaaba ka lacag badan maalinta labaad ganacsiga uu sameeyay filimka Chhapaak (6.50 crore).

Sare u kaca uu Panga sameeyay waa mid wanaagsan balse filimkaan waxaa niyad jabiyay maalintiisii koowaad ganacsiga uu sameeyay sidaas owgeed wali wuxuu heystaa jaanis maanta oo axad ah misna maalin fasax qaran tahay inuu sare u kac weyn sii sameeyo bari oo isniin ahna uu is celiyo misna siweyn hoos ugu dhicin si uu filimkaan mid badbaaday u noqdo.

Hadii kale wuxuu lamid noqon doonaa filimka saand ki Aankh kaasoo dhexda u galay filimo waaweyn sida Housefull 4 oo kale halka Panga asna dhexda ka galay Street Dancer iyo Tanhaji.

Hadaba halkaan kaga bogo Panga iyo mudo 2 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 2 crore.

Sabti; 4.25 crore.

Wadarta guud; 6.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here