Xidiga reer Tamil Karthi oo 2019 fanka Koonfur Hindiya ku qabsaday filimkiiisii Kaithi ee Blockbuster-ka weyn noqday ayaa haatan soo rogaal celiyay wuxuuna goos goos kooban kasoo bandhigay filimkiisa weyn Sultan sidoo kalena waxaa shaaca laga qaaday xiliga rasmiga ah ee la daawan doono mashruucan xiisaha badan.

Karthi waxay walaalo yihiin Superstar Suriya waana atoore door kasto sameyn karo markaana filimkiisa Sulthan wuxuu ku jilaa shaqsi awood badan oo burcad ama tuugo fara badan la dagaali doono asigoo dadkiisa caawinayo waxaana filimkan laga soo bandhigay Action-mo heer sare ah iyo muuqaalo dadka oo idil asoo wada jiiteen.

Sulthan waxaa atirisho kowaad ka ah quruxleyda reer Telugu Rashmika Mandanna oo ay u tahay markii ugu horeesay filimka Tamil ah sameeneyso waxaana shaaca laga qaaday in filimkan tiyaatarada la saari doono 2 April 2021.

Filimka Sulthan waxaa Director ka ah Bakkiyaraj Kannan waxaana mashruucan isla maal galiyeen SR Prakash Babu iyo SR Prabhu shirkadiisa Dream Warrior Pictures. Fadlan hoos ka daawo Karthi filimkiisa Sulthan ee xiisaha badan goos gooska kooban (Teaser) heerka sare ah laga soo bandhigay waa hubaal inaad ka heli doontid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here