Director Priyadarshan iyo kooxdiisa filimka Marakkar- Arabikadalinte Simham ayaa bilaabeen xayeysiin u sameynta mashruucan weyn ee xambaarsan miisaaniyad sare u dhaafeyso 150 Crore waana filim Malayalam ama Mollywood ah waxaana hogaamiye ka ah Superstar Mohanlal.

Haddaba filimka Marakkar waxaa laga soo bandhigay labo kaarto oo mashruucan lagu suuq geenayo sidoo kalena astaan u noqon doonto waxaana kaartada Superstar Mohanal kala soo muuqdeen labada atoore ee doorarka weyn filimkan ku leh halyee Suniel Shetty iyo Arjun Sarja.

Filimka Marakkar waxaa la daawan doonaa 26 Maarso 2020 waxaana lagu daawan doonaa luqadaha Hindi, Tamil, Telugu, Malayalam & Kannada waxaana la saari doona in ka badan 6000 oo tiyaatar sidoo kale xitaa suuqa China ayaa laga soo dalbaday filimkan.

Filimka Marakkar waa filim dagaal oo taariikh dhab ah xambaarsan wuxuuna ka hadlaa dagaalyahankii bad maaxiga Muslim-ka ahaa Marakkar Kunjal kaasi oo la dagaalamy gumeysigii Portugal ee bad weynta Hindiya xoog kusoo galeen qarnigii 16-aad sidoo kalena uu hogaaminaayay sahmiyaagii caanka ahaa Vacgo Dagama waxaana doorkan matali doono Mohanlal ayadoo ay garab siin doonaan Suniel Shetty iyo Arjun Sarja.

Director Priyarshan ayaa sheegay in Marakkar uu yahay filim weyn oo taariikhda Hindiya guulaha ay gaareen lagu soo bandhigi doono dhawaan laga soo bandhigi doonaa goos gooskiisa oo dhameestiran ayadoo in ka badan mudo sanad ah filimkan sameyntiisa qaadatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here