Inaba caadi ma ahan lacagaha uu Housefull 4 keenay isbuuciisa koowaad.

0
1952

Housefull 4 ayaa mudo todobaad u buuxsantay inta uu tiyaatarka saaranyahay waxaana uu isbuuciisii koowaad soo xareeyay lacago aad u badan asigoona ka gudbay caqabad kasta oo hortaalay filimkaan.

H4 ayaa maalintii shalay keenay 12.75 crore taasoo ka dhigan in filimkaan mudo todobaad ah uu kusoo xareeyay lacag dhan 137.25 crore waana lacago aan caadi aheyn maadaama filimada Akshey ayba cimri ahaantooda keeni jireen lacagtaas markii laga reebo dhowr filim balse H4 mudo todobaad ayuu lacagtaan ku keenay.

Arinta layaabka leh ayaa waxay tahay in filimkaan sadaxdiisii maalin ugu horeysay uu keenay 50 crore balse afartii maalmood ee ka dambeysay keenay 87 crore wuxuuna sameeyay sare ukac waali ah.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo H4 iyo mudo todobaad lacagaha uu keenay;

Friday – 18.50 crore.

Saturday – 18 crore.

Sunday – 14.25 crore

Monday – 34.25 crore.

Tuesday – 24 crore

Wednesday – 15.50 crore.

Thursday – 12.75 crore.

TOTAL – 137.25 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here