Waxaa kasoo wareegatay 24-saac daawashada heeska hirgalay Dus Bahane 2.0 ee ku jirto filimka Baaghi 3 waxaana haatan daawadeen in ka badan 19m oo qofood barta Youtube-ka oo ay T Series soo galisay waana hees siweyn loo hadal haayo.

Tiger Shroff dance-giisa iyo awooda uu shaashada kusoo bandhigay ayaa siweyn looga helay una dheer tahay xarakaadkiisa balse sida Shraddha Kapoor u shidan tahay ayuu qof walbo hadal hayaa iyo sida ay xidigtaan Tiger isugu soo baxayaan.

Heeska Dus Bahaane 2.0 waxaa laga soo min guuriyay heeskii hirgalay Dus Bahaane ee 15-sano ka hor ku xarakeeyeen Abishek Bachchan iyo Zayed Khan kuna jirtay filimkii Dus haatana siweyn ayaa looga helay qaabka loo casriyeeyay waxaana amaanta qaateen Tiger iyo Shraddha sida ay heeskan u kala kiciyeen.

Heeska Dus Bahaane 2.0 waxaa ku luqeeyeen Vishal & Shekhar waxaana filimka Baaghi 3 la daawan doonaa 6 Maarso 2020 ayadoo uu Director ka yahay Ahmed Khan halka Sajid Nadiadwala soo saare ka yahay, fadlan hoos ka daawo heeskan kala kacsan ee laga wada helay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here