Filimka Tanhaji ayaa maalintiisii 10aad tiyaatarada saaran balse waxaaba moodaa in maalintiisii 3aad tiyaatarada saaranyahay asigoona maanta siweyn waliba Excellent Opening ku furmay wuxuuna subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 55% bilaabasho ah.

Balse maanta duhurkii xxiliga India ayuuba filimkaan sii karaar qaatay wuxuuna marayaa 75% waana hubaal in caawo fiidkii markale sare usii kici doono.

Filimkaan oo shalay sabti aheyd iyo jimcadii daraad aheyd siweyn u gadmay ayaa maanta kasii dari doono waxaana qiyaasta xili hore lagu soo waramayaa in maanta ka talaabi doono 20 crore asigoo waliba axadiisa 2aad tahay.

Tanhaji haatan mudi 10 maalmood ayuuba 160 crore kaga talaabi doonaa taasoo wax fudud uga dhigi doonto in rikoorka Golmaal Again jabiyo kaasoo 2017dii soo xareeyay 205 crore.

Arinta xusida mudan ayaa waxay tahay in filimkaan uu siweyn kaga gadmaayo Mumbai iyo hareeraheeda waliba halkaas Blockbuster weyn ayuu ka noqday waxaana kaliya kaga lacag badnaan doono Bahubali 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here