Inaba caadi ma ahan sida uu subaxaan ku furmay filimka Good Newwz maanta ganacsi weyn ka filo.

0
1542

Filimka Good Newwz waxaa tiyaatarada la saaray maalintii jimcaha asigoona mudo 2 maalmood kusoo xareeyay 39.50 crore nadiif ah waana ganacsi aad u wanaagsan maadaama filimkaan sheekadiisa si wadajir loo amaanay waliba asigoo helay 4 xidig sheeko ahaan.

Hadaba Good Newwz oo jimcihii ku furmay 25% ayaa shalay oo sabti aheyd sameeyay sare u kac wuxuuna ku furmay 30% balse maanta oo axad ah ayuu filimkaan sare u kicii ugu weynaa sameeyay wuxuuna subaxaan tiyaatarada India kaga furmay 40% taasoo ka dhigeyso in filimkaan maanta uu ganacsi wanaagsan sameyn doono.

Good Newwz maanta ugu yaraan 25 crore wuu keeni doonaa haduusan isbadal weyn dhicin sidoo kalana ganacsigiisa ilaa 28 crore wuxuu gaari karaa arintaasoo ganacsi ahaan filimkaan u wanaagsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here