Ugu dambeyntii Sidharth Malhotra oo labiska ciidanka wato ayaa lasoo bandhigay wuxuuna abuuray xidigan hadal heyn xoogan madaama filimkiisa cusub Shershaah oo ku matalaayo nolosha kabtankii ciidamada Hindiya ka tirsanaan Vikram Batra ee dagaalkii Kargil Hindiya iyo Pakistan dhex maray ku geeriyooday.

Sidharth Malhotra filimka Shershaah waxaa ku wehliso Kiara Advani oo atirisho kowaad mashruucan ka ah waxaana Sidharth ka muuqato aragtidiisa kowaad geesinimo iyo inuu kusoo baxaayo labiska ciidamada Hindiya wuxuuna diyaar u yahay doorkan dhibka badan ee Vikram Batra noloshiisa looga hadlaayo inuu xidigan u cadaalad falo.

Madaama shalay ahayd maalinta ciidanka Hindiya xusaan wuxuu Sidharth Malhotra kaga faai’iideestay inuu soo bandhigo kaartada filimkiisa oo haatan siweyn loo hadal haayo waxaana xusid mudan in filimka Shershaah la daawan 3 July 2020.

Filimka Shershaah waxaa soo saare ka ah shirkada Dharma Productions ee Karan Johar madax u yahay halka mashruucan uu Director ka yahay Vishnu Varadhan waxaana sheekada filimkan xiisaha badan qoray Sandeep Srivastava.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here