Waa wax aan horay loo arkin ganacsiga waalida ee filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ka sameynaayo gobolka Maharashtra asigoona halkaas ka noqday All Time Blockbuster.

Ganacsiga uu filimka Tanhaji ka sameynaayo gobolka Maharashtra wuxuu cagta mariyay rikooradiu filimada Dangal iyo Bajrangi Bhaijaan oo horay u ahaa filimada lacagaha ugu badan halkaas kasoo xareeyay waxaana Tanhaji kaliya ka lacag badnaan doono filimka Bahubali 2.

Tanhaji shalay oo isniin aheyd waxa uu keenay 8 crore taasoo ka dhigan in mudo 4 maalmood todobaadkiisa labaad uu maraayo 55 crore wuxuuna ku taamayaa inuu cagta mariyo rikoorka filimka Kabir Singh ee sanadkii hore todobaadkiisa labaad keenay 78 crore sidaas owgeed hadii ay midaas dhacdana Tanhaji wuxuu noqon doonaa filimka todobaadkiisa labaad lacagaha ugu badan soo xareeyay tan iyo filimkii Sanju ee la daawaday 2018dii.

Wacdaraha uu filimka Tanhaji dhigaayo waa mid cajiib ah waliba haatan filimkaan meesha lagama saari karo in cimri ahaantiisa uu gaaro 250 crore isla markaasna uu Blockbuster noqdo.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 11 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week1; 115.28 crore.

Jimce; 9.75 crore.

Sabti; 16 crore.

Axad; 21.50 crore.

Isniin; 8 crore.

Wadarta guud; 170.28 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here