Taxanaha Hercai ayaa guul weyn ka gaaray bandhiga MipCom ee Paris ka dhacay isbuucaan kadib markii taxanaha laga iibiyay 50 dowladood.
Taxanaha Hercai ayaa soo baxay sanadkaan bilowgiisa bishii Maarso wuxuuna season 1 ka koobnaa 12 xalqo ayadoona haatan loo gudbay season 2 ilaa iyo haatana laga soo bandhigay kaliya 4 xalqo taasoona wadarta guud ka dhigeyso in guud ahaan taxanahaan laga soo bandhigay 16 xalqo.
Asigoo sidaas ah hadana wuxuu ku guuleystay inuu noqdo taxanaha logu iibsiga badan yahay taxanayaasha turkida sanadkaan waxaana bandhiga MipCom ee sanadkaan 2019ka dhacay looga iibiyay 50 dowladood wuxuuna sidaas ku noqday taxanaha loogu iibsiga badanyahay taxanayaasha turkida sanadkaan.
Waana guul usoo hoyatay kooxda iska leh taxanahaan iyo jilayaasha qeybta ka ahba