Tan iyo sidii taxana Mucize Doctor loo soo saaray xalqadiisa koowaad asiga ayaa hogaanka u haayay Ratinka daawashada TVyada waliba waxay xalqooyinkii qaar gaareen 19rtg balse sidii loo bilaabay taxanaha Kurulus Osman seasonkiisa 6aad waxaa bilowday tartan dhanka Ratinka ah.

Taxanayaasha Kurulus Osman iyo Mucize Doctor oo soo kala baxaan habeenada khamiista iyo Jimcaha ayaa loolan ba’an ka dhaxeeyay cida barnaamijkeeda kaalinta 1aad gali laheyd misna daawadayaasha ugu badan heli lahaayeen todobaad kastaa.

Taxanaha Kurulus Osman oo Ratingiisa ahaa inta badan 14rtg ayaa sameeyay sare u kac xoogan xalqooyinkiisii ugu dambeeyay halka taxanaha Mucize Doctor hoos u dhacay taasoo keentay in ugu dambeyn kaalinta koowaad kala baxo Mucize Doctor.

Kurulus Osman xalqadii 15aad ee xalay lasoo dhigay ayaa Ratingii ugu fiicnaa la imaaday ayadoona Ratingeeda ahaa 16.24 waana todobaadkii 3aad xiriir ah oo uu taxanaha Kurulus Osman hogaanka u haayo taxanayaasha Turkiga.

FG; halkii Rating ee 1rtg wuxuy u dhigmaa 80,000 oo daawadeyaal in TVga ka daawanayaan xalqadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here