Xidiga laga daba dhacay ee Telugu awooda ku leh Vijay Deverakonda markale wuxuu cadeeyay inuu dhalinta ku qasbi karo tiyaatarada si xad dhaaf ah usoo aadaan kadib markii filimkiisa cusub World Famous Lover maanta tiyaatarada Koonfur Hindiya gil gilaayo gaar ahaan dhul weynaha Telugu.

Filimka World Famous Lover magaciisa, fariintiisa iyo maalinta jaceylka aduunka oo lagu soo beegay daawashadiisa iyo sidoo kale Vijay Deverakonda oo Arjun Reddy kadib dhalinta Koonfur Hindiya kasbaday arimahaas oo is kaashaday awgeed waxay ka caawiyeen filimkan maanta subaxdii hore inuu dhul weynaha Telugu AP/Nizam kaga furmo 65% waana bilaabasho heer sare ah oo xaqiijiyay in mashruucan maalintiisa kowaad 12 Crore ilaa 15 Crore Telugu kaliya ka keeni doono.

Sidoo kale filimka World Famous Lover xiliga duhurka Hindiya sare ayuu usii kacay wuxuuna gaaray 70% taasi oo ka dhigan in mashruucan aan loo dhawaan karin bilaabashada heerka sare ah uu la yimid.

Fadlan hoos kaga bogo filimka World Famous Lover sida uu Koonfur Hindiya kaga furmay dhul weynaha Telugu subaxdii hore iyo xiliga duhurka Hindiya iyo tiyaatarada laga daawanayo:

Dhinaca kale filimkan sidoo kale luqada Af Tamil ayaa lagu daawanaa balse gobolka Tamil Nadu bilaabasho adag ma uusan ka sameynin madaama subaxdii hore uu halkaas kaga furmay 11.40% halka xiliga duhurka Hindiya uu gaaray 18.29% sidaa darteed lagama filaayo suuqan ganacsi weyn inuu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here