Filimka Tanhaji ayaa gudo galay todobaadkiisii 4aad wuxuuna filimkaan bartanka kaga jiraa ganacsi khiyaali ah asigoona si weyn u gadmay 3dii todobaad ee tagtay.

Tanhaji haatan wuxuu gudo galay todobaadkiisa 4aad asigoona shalay oo jimce aheyd filimkaan keenay 2.25 crore waana arin cajiib ah maadaama uu jimcadiisii 4aad tiyaatarka saaranyahay.

Lacagaha uu filimkaan shalay keenay waxay isku mid yihiin lacagihii uu filimka Kabir Singh keenay jimcadiisa 4aad waxaana xusid mudan in Kabir Singh lacagaha uu todobaadkiisa 4aad keenay ay ka dhigeen filimka 3aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadkiisa 4aad waana rikoor uu Tanhaji haatan ku taamayo inuu jabiyo.

Tanhaji ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu Weekendiga ama sadaxda maalmood ugu horeyso todobaadkiisa 4aad uu keeno 10 crore waana lacago ay kaliya soo xareeyeen filimada Bahubali 2 iyo Uri – The Surgical Strike hadii Tanhaji heerkaas gaarana waa rikoor kale.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Tanhaji iyo ganacsigiisa halka uu maraayo.

Week 1; 115.28 crore.

Week 2; 77.87 crore.

Week 3;38.50 crore.

Jimce; 2.25 crore.

Wadarta guud; 233.90 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here