Home » Nolosha Jilaayaasha » Inay Dadku Foolxumo Ku Caayi Jireen Iyo In Aysan Dooneyn Inay Atariisho Noqoto – Atariisho DISHA PATANI Oo Sir Badan Kashiftay

Inay Dadku Foolxumo Ku Caayi Jireen Iyo In Aysan Dooneyn Inay Atariisho Noqoto – Atariisho DISHA PATANI Oo Sir Badan Kashiftay

Disha Patani waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah atariishooyinka ugu shidan ee xilligaan usoo baxaya shirkadda aflaanta dalka India ee Bollywood Industry.

Hase yeeshee, 24 sanno jirtaan Disha Patani oo Bollywood-ka kusoo gashay filimkii M S Dhoni: The Untold Story kuna guuleysatay quluubta taageereyaal badan waxay daaha ka qaaday inay dadku ku caayi jireen inay tahay gabar aad u fool xun.

Wareysi ay siisay kanaalka Hanee Chavan, Disha Patani ayaa daaha uga qaaday inay dadku foolxumadeeda ku caayi jireen maalmeheedii iskoolka.

Waxayna tiri: “Waxaan ahaa shaqsi aad u xishood badan, ma aheyn shaqsi leh saaxiibo badan… Sidoo kale iskoolka oo dhan la igama jecleyn.

“Dadku waxay igu caayi jireen inaan ahay gabar foolxumo badan… Balse keliya foolxumo ma aheyn, waxaan sdioo kale ahaa shibane doonaya inuu markasta ku joogo jidkiisa. Dadkuna waxay doonayeen sidaan u gartay inay jidka iga leexiyaan”.

Disha ayaa sidoo kale ka yaabsatay taageereyaasheeda iyo dadka ku xiran markii ay daaha ka qaaday in riyadeedu aysan aheyn inay atariisho noqoto yaraanteedii.

Waxayna hadalkeeda ku dartay: “Markii aan yaraa waxaan doonayey inaan dhakhtar noqdo. Waxaan doonayey inaan seynisyahan noqdo. Waxaan sidoo kale doonayey inaan duuliye diyaaradeed noqdo. Dhammaan dooqyadaas ayaan lahaa, yoolkeygu wuxuu ahaa inaan qabto mid ka mid ah shaqooyinkaas, laakiin ugu dambeyn atariisho ayaan noqday”.