Home » Arimaha Bulshada » Inay Jiraan Waxyaabo Ay Ka Cabsato, Jimicsiga Ay Ugu Jeceshahay Iyo Arrimo Kale Oo Xiiso Leh Oo Ay Ka Hadashay Atariishada Huma Qureshi

Inay Jiraan Waxyaabo Ay Ka Cabsato, Jimicsiga Ay Ugu Jeceshahay Iyo Arrimo Kale Oo Xiiso Leh Oo Ay Ka Hadashay Atariishada Huma Qureshi

Atariishada caanka ah Huma Qureshi ayaa sheegtay inay ka cabsato inay korto meelaha dhaadheer, waxayna daaha ka qaaday inay markasta sameyso jimicsiga loo yaqaano Aerial Yoga (Jimicsi Lagu Sameeyo Xarig Lagu Xiray Meel Sarre Oo Guriga Ah) maadaama uu ka caawiyo inay markasta ka gudubto cabsida heysa.

30 sanno jirtaan Huma Qureshi oo dhawaan bilowday jimicsigaan ayaa u sheegtay shabakadda IANS: “Waxaan arkay dadka oo sameynaya jimicsigaan Aerial Yoga. Wuxuuna iisoo jiitay si gaar ah. Anigu xoogaa waan ka cabsadaa meelaha dhaadheer. Sidaas darteed ayaan dhawaan bilaabay jimicsigaan. Waana mid wanaagsan.”

Huma Qureshi ayaa wacad ku martay inay dhimi doonto miisaankeeda maadaama si weyn loogu dhaleeceeyey inay tahay atariisho buuran oo aan inta badan sameyn karin ficillada muhiimka ah ee aflaanteeda.

Huma waxay kasoo muuqatay aflaan looga hadlayey dunuubta laga galo haweenka sida filimkii Gangs of Wasseypur, halka ay nasiib u yeelatay inay shaashadda la wadaagto atariishada halyeeyga ah ee Bollywood Madhuri Dixit oo ay kala soo muuqatay filimkii Dedh Ishqiya.

Sidoo kale atariishadaani waxay kasoo muuqatay aflaan Malayalam ah sida White iyo kuwo British-Indian ah sida filimkii Viceroy’s House. Waxayse daaha ka qaaday in Bollywood uu ka duwan yahay shirkadaha aflaanta ee ay kasoo shaqeysay filimkeedu udambeyay ee Jolly LLB 2 ee ay la hogaamineysay Super Star Akshay Kumar na guul wacan ayuu gaaray.