Qaar kamid ah jilayaashii ka qeyb galeen xafladii 2019 IIFA Awards ayaa goobta lagu abaal mariyay bandhigii 2018 ay muujiyeen aawged sida Ranver Singh oo abaal marinta atooraha ugu wanaagsan ku qaatay filimka Padmaavat.

Sido kale Alia Bhatt ayaa ku qaadatay abaal marinta atiriishada ugu wanaagsan Filimkeeda Raazi hadaba waxaa dhacdooyinkii dhaceen intii xafladan lagu sugnaa waxaa kamid ah.

Waxaa la ogaaday Mega Star Salman Khan inuu si cad u inkiriya atiriishada Deepika Padukone waxay ahed xili rooga casaanka ay wada joogee Deepika wey sii jeeday saxaafada ayee la hadleysay Salman ayaa yimid si caadi ay ayuu u agmaray wax salaam ahna ma dhexmarin.

Deepika wey aragtay waliba si dadban in Salman meesha maray sido kalena salaamin sida guudna jilaaga meesha taagan ee sawir ama wareysi laga qaadanaayo haduu jilaa kale yimaado goobta ayuu ku salaama habna kusiiyaa xitaa sawiro ayee wada galaan balse Salman si deg deg ah ayuu gudaha ku galay taaso muran dhalisay.

Deepika shib ayee iska dhahday xafladii markii ay dhamaatay oo lasoo baxaayo ayee iyadana narkeeda dadka tustay inee Salman ka aarsatay sababto ah Salman markuu banaanka usoo baxay ayuu saxaafada wareysi siiyay.

Kadib Deepika ayaa banaanka usoo baxday si ay xaafadeeda u aado waxay aragtay Salman oo wareysi bixinaayo si kutalo gal ah ayee markeeda aktiisa sio martay mana aysan la hadlin saxaafada oo sawir qaadow ka codsa ayeeba u ogolaatay inee sawiro ka qaataan waxaa dhacday Salman oo wareysi bixinaayo saxaafada qaarkood inee Deepika dhankeeda u qulqulaan sawirana ka qaataan.

Sheeko xan ah ayaa hader baraha bulshada lagu hayaa maxay Salman iyo Deepika sida isugu sameynayaan iyadoo la ogaa xushmad balaaran inee ka dhaxeysay dadkana wey isugu jeclaayeen markee kulmaan waliba Salman si xad dhaaf ah ayuu u xushmeyn jiray Deepika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here