Maanta ama daqiiqado kadib waxaa jiro kulan weyn oo ay isugu imaanayaan jilayaasha kala ah Ajay Devgn, Akshay Kumar, Varun Dhawan, Alia Bhatt iyo Abhishek Bachchan waxayna soo galayaan Live arinkaan ayaa la hadal hayaa 24-saac xiriir ah.

Xidigahan iyaga xitaa si weyn ayee u xayeysiiyeen kulankan daqiiqado kadib dhacaayo Akshay Kumar 4-saac kahor waxuu yiri,” maanta aqbaar weyn ayaa lagu dhawaaqi doonaa waxaana kulmayaan Ajay, Varun, Alia, Abhishek iyo aniga xili aan Live kasoo galeyno shabakada Disney+Hotstar ha moogaanina saacada markee ku beegantahay 4:30pm war weyn ayaana jiro lagu dhawaaqaayo.”

Kumar sidaas ayuu yiri Ajay ayaase sheekada sii jilciyay waxuuna tilmaamay in aqbaartaas ama warkaas noqon karo mashruuc weyn oo lagu dhawaaqayo xidigahana sameeyn doonaan arinka xiiso ayuu leeyahay qof walbana waxuu dhagta u taagaya waxa kulankan kasoo baxa iyo warka lagu dhawaaqi doono.

Fadlan isha kuhaya halkaan wixii war kasoo baxa waan idiin la socodsiineena dabcan waa war weyn iyo kulan xiiso leh waxayna u badan tahay inee sheegi doonaan filim ay wada sameeyn doonaan dhamaantood misane hogaamiye ka noqon doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here