Atariishada dhalinta yar ee Janhvi Kapoor waxay Bollywoodka kusoo biirtay sanadkii 2018dii markaasoo ay la timid filimka Dhadak kaasoo guusha wacan gaaray waxaana atariishadaan hooyo u ah atariishadii geeriyootay misna 90aadkii Bollywoodka awooda ku heysatay ee Sridevi.

Sidoo kale atariishadaan waxaa aabo u ah soo saaraha weyn ee Boney Kapoor kaasoo la dhashay jilaaga Anil Kapoor waxayna kasoo jeedaa qoyska Bollywoodka magac iyo maamuusba kuleh.

Janhvi Kapoor oo 22 jir ah ayaa sanadkaan waxaa u diyaarsan filimada kala ah Gunjan Saxena Biopic, Roohi Afzana iyo dostana 2.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo sawiradii ugu dambeeyay ee laga soo bandhigay atariishadaan kuwaasoo soo jiidasho leh misna qalbiga kaa xadi doono;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here