Home » Nolosha Jilaayaasha » Indian 7 Stars: Todobo Xidig Oo Caan Ah Ayaa Geeriyooden Inta Lagu Guda Jiray Sanadkaan 2017 Barkiisa Hore!!

Indian 7 Stars: Todobo Xidig Oo Caan Ah Ayaa Geeriyooden Inta Lagu Guda Jiray Sanadkaan 2017 Barkiisa Hore!!

Bilawgii sanadkaan waxyaabo badan oo layaab leh ayaa dhacay kuwa qosol leh iyo kuwa naxdin lehna sido kale wey dhaceen.

Wax kaga naxdin badnaa maleh Bollywoodka dhankooda markii ay ka xijaabteen xidigihii caanka ahaa sida Vinod Khanna iyo Om Puri.

Hadaba waxaan isku soo aruurinay 7 kamid ah xidigaha India u dhastay kuwaaso sanadkaan haafkiisa hore geeriyooden balse manta aad loo tabaayo.

Vinod Khanna:

Legend Actor Vinod Khanna wuxuu dunida ka xijaabtay 27 Apr ee sanadkaan asigoo u geeriyooday cudurka Cancerka oo uu mudo dheer la xanuunsana.

Wuxuu kamid ahaa xidigihii ugu caansana India oodhan fanka India na qeyb libaax leh ka qaatya hormarkiisa.

Om Puri:

Rugcadaa Om Puri oo kamid aha halyeeydii dhabarka u dhigatay fanka india hormarkiisa sido kalena kamid ahaa xidigihii ugu caansana ee abid lagu faani doono.

Omji wuxuu xijaabtaya 6 Jan ee sanadkaan 2017 asigoo u geeriyooday wadna xanuun kusoo booday xili uu cabista qamriga iska badiyay asigoo kusugnaa gurigiisa.

Reema Lagoo:

Waa mid kamid ah hooyoyinka ugu fiicna ee aflaamta jilista hooyonimo looga haray, xidigtaan shaqadeda Bollywoodka oo kaliya kuma ekeen sido kale Tvyadana wey ka shaqeyn jirtay oo Musalsalo caan ah aye sameysay.

Reema waxay xijaabatay 18 May ee sanadkaan ayadoo u geeriyootay wadna xanuun kusoo booday xili ay caafimad qabtay ayadoo gurigeeda kusugan, xidigtaan ayaa lashegay in ay ka sheegatay dhanka xabadka markii hospitalka loola cararayna weyba geeriyootay.

Sonika Chauhan:

Waa xidig Model ah sido kalena Tvyada ka shaqeyneesay , gabadhaan waxay geeriyootay 29 Apr ee sanadkaan 2017 ayadoo u geeriyootay Shil Gaari.

Xiliay kasoo baxday gurigeeda ayna la jirtay saaxibked Vikram Chatterjee, kadib shilkii ay galeen labadaan qof waxaa loola cararay Hospital.

Balse Sonika markii daaweyn lagu bilaaway aye nafta ka baxday waxayna nooleed shilka kadib mudo 40 ilaa 45 daqiiqo ah.

Telugu Tv Actor Pradeep kumar:

Waa atoore ka shaqeyn jiray Tvyada sido kalena ah reer Telugu, waxaa lashegay in 3 May uu xidigaan is dilay waliba qolkiisa jiifka ah asiga isku dilay.

Lama yaqaano sababta uu isku dilay balse xaaskisa iyo seedigiis oo qolkale kujiraan ayaa arkeen asigoo is daldalay waliba qolka uu kujiray aye albaabka kujabiyen.

Nasiib xumo Dhaqtarada hadee yimaaden maba noola, waana lala yaabanyahay xidigaan oo 29 jir ahaa sababta uu isku dilay.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *