Waa kuwa kamid ah lamaanayaasha Bollywoodka ugu caansan kuwooda shaashada Tiger Shroff iyo Shraddha Kapoor balse dadka badankooda kama war qabaan saaxiibtinimada ka dhaxeysa xidigahan.

Shaqo ahaan labo Filim ayee ilaa iyo hada wada sameyeen kuwaaso kala ah Baaghi iyo Baaghi 3 waana lagu ammaanay bandhig ahaan labada mashruuc guul wacana wey u gaareen ganacsi ahaan.

Waxaa la sheegay misane iyagana afkooda laga xaqiijiyay dhowr jeer inee nolosha dhabta ah saaxiibo aad isugu dhow yihiin sido kale ilaa yaraantooda ayee aqoon isku lahaayen.

Xiligii iskuulka Tiger iyo Shraddha isku fasal ayee ahaayen oo waxbee isla soo barteen sido kale magacyo ay iskula kaftami jireen ayee saxaafada hortooda hada kahor ka shaaciyeen Shraddha oo ka hadleysa xiriirka Tiger kala dhaxeya waxay tiri hada kahor.

“Tiger waa saaxiibkeyga nolosha dhabta misane wada shaqeyn Filim na dhexmartay waxaan ku faraxsanahay inaan isgaraneyno ilaa yaraanteena” waxaa xusid mudan abaayaasha labadan xidig kala dhaleen ee kala ah Jackie Shroff iyo Shakti Kapoor inee ka dhaxeyso wada shaqeyn iyo saaxiibtinimo qoto-dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here