Boqoradii hore ee Bollywoodka Rani Mukerji nolosheeda wax badan ayaa laga qoray oo isugu jiraan kuwa xan ah iyo kuwa xaqiiq ahba balse dadka baareen ee ogaadeen ayaa yar marka lala bar bardhigo kuwa wax ka ogaadeen.

Maqaalkaan waxuu noqon doonaa mid taxano ah oo aan maalin walba qodob kaga soo qaadan doono guud ahaan dhacdooyiinkii laga diiwaan galiyay nolosha Rani Mukerji sida dadkee is dagaaleen, dhibkii soo gaaray iyo xanta xiriirka nolosheeda.

Maanta waxaan ka hadli doonaa xurguftii dhexmartay Rani iyo walaashed Kajol sido kale xurguftii dhexmartay Rani iyo Jaya Bachchan oo ah xaaska Amitabh Bachchan.

Dagaalka qabow ee ka dhaxeeya Rani iyo Kajol:

Labadan atiriisho ee maqaamkii ugi sareeyay fanka hindiya kawada gaareen waa ilmo adeer kawada dhashteen qoyska Mukerji hadana waligood sida dad shisheeye wada ah oo kale ayee udhaqmi jireen oo weyba is necbanaayeen dadkana uma aysan muujin jirin.

Ilaa 90-maadkii ayaa lala yaabana ineysan saaxiibo dhow ahen, wax kulan ah ama sheeko ahna ma dhexmari jirin marka laga reebo inee shaqo filim kuwada kulmaan mooye sheekada waxay cirka gashay oo dagaalkooda lasii buun buuniyay sanadkii 2012.

Xafladii loo dhigay Filimka Jab Tak Hai Jaan sanadkii 2012 Kajol laguma casuumin waxaana xafladaan dhigeen Yash Raj Filims oo Rani qeyb ka ah maadama Rani seygeeda Aditya Chopra yahay hogaamiyaha shirkadaan.

Kajol xaq ayee u laheed in lagu casuumo ee baryo ma aheen waliba martida kasoo qeyb gashay xafladan iyada iyo SRK ayaa ugu mudnaayeen maadama ay shirkadaan soo garab qabteen markii ay bur bursaneed waxaana xusid mudan in Kajol atiriisho ka ahed Filimka ku faanan YRF abid ee DDLJ.

Waxaa dhacady in Kajol lagu casuumin xafladan ceeb ayeena ku noqotay reer Yash arinkaas dagaalka labadan atiriisho meel sare ayuu sii tagay kadib markii Ajay iyo Kajol si kutalo gal ah u inkireen una akmareen Rani Mukerji xili goob xaflad ah lagu wada kulmay.

Jaya Bachchan Oo Nacday Rani:

Mar waxaa jirtay Rani Mukerji ay aad oga akdhoweed qoyska Bachchan waxaana xiligaas lagu xaman jiray Rani inee xiriir la leedahay Abhishek Bachchan sido kale Amitabh Bachchan wuu la helay Rani iyo in gurigiisa loosoo guuriyo waliba waxuu ku riyoon jiray inuu wiilkiisa u guuriyo Rani ama Aishwarya midood.

Balse Jaya Bachchan kama aysan helin Rani Mukerji markee ogaatay in Rani udhowaatay Abhishek si deg deg ah ayee xiriirkaas kaga taqlustay markii dambena waxaaba la arkah duq Jaya oo Rani xafladaha ku inkireysa salaamtana la akmareysa ugu dambeyna Rani nolosha Abhishek wey isaga baxday.

Lasoco Qeybta Labaad Govinda Siduu Gabarnimada Rani U Lumiyay Maxaase Dhexmaray Rani Iyo Vivek:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here