Atiriishada Priyanka Chopra waa mid kamid ah atiriishoyinka maanta caalamka ugu caansan maadama gabadhan labada shirkadood ee dunida ugu ka xamaalato Hollywood and Bollywood.

Balse Ma ogtahay in PeeCee ay qamrica cabto sido kalena aysan iska badinin taasina wax caadi ah ayee ka yihiin marka reer galbeed dhankooda loo fiiriyo xidigtaana Hollywoodka ayee in badan ka akdhowdahay oo waxay jeceshahayba Hollywoodka ka shaqeyntiisa.

Sido kale Priyanka waxay aad u jeceshahay Shah Rukh Khan jiliin ahaan maadama uu yahay shaqsiga koowaad ee ay ka hesho qaab jiliinkisa taagero buuxana ay u tahay sido kalena aflaamta ay ka xiiseso Bollywoodka waxaa kow ka ah isla filimka uu SRK hogaamiyaha ka ahaa ee DDLJ.

Marka laga so tago Dilwale Dulhania Le Jaayenge waxay xidigtaan jeceshahay inee marwalba daawato filimkii ay atiriishada ka ahed Mujhse Shaadi Karogi oo ay isku heysteen Salman khan iyo Akshay kumar.

Dhanka atiriishoyinka Bollywoodka ay ka xiiseso waxay kala yihiin Sridevi iyo Sushmita Sen waana dooqeda koowaad labadaas atirisho xidigtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here