Home » Nolosha Jilaayaasha » Iney Eeyga Ka Cabsato, Ram Charan Iyo Tamannah Oo Saaxib Dhow Ay La Tahay Iyo Maclumad Kale Oo Kusaabsan Kajal Aggarwal!!

Iney Eeyga Ka Cabsato, Ram Charan Iyo Tamannah Oo Saaxib Dhow Ay La Tahay Iyo Maclumad Kale Oo Kusaabsan Kajal Aggarwal!!

Quruxleyda Bollywoodka iyo Koonfur ba udhaxeysa Kajal Aggarwal ayaa macluumad gaar ah idiin kaga heynaa.

Xidigtaan magaca weyn waa atiriisho maqaam sare ka gaartay fanka dhanka koonfured ayadoo sameysay aflaam waaweyn oo taariikhi ah.

Hadaba xidigtaan ma ogtahay akhriste inee aad oga cabsato eeyga meel uujogana aad ayee oga fogaata sido kale waxay saaxiib dhow la tahay xidigaha koonfur Ram Charan iyo Tamannaah Bhatia.

Waliged ayee saaxiib dhow la ahaan jirtay maadama wada shaqeyn heersare ah soo dhexmartay sido kale waa shaqsi aflaamta daawato xidigaha caanka ahna taagerto.

Waxay taagero rasmi ah utahay Xidigaha kala ah Shah Rukh Khan, Salman Khan,Nagarjuna iyo Mahesh Babu dhanka kale atiriishoyinkana qaar be ka taagerta.

Waxaana kamid ah xidigaha atirishooyinka ah ee ay gabadhaan taagerto sida Kajol, Nayantra iyo Katrina Kaif waana atirishooyin a taagero ramsi ah u tahay.

Dhanka filmsameyaalka (Directors) ay aad u jeceshahay inee la shaqeyso waxaa kamid ah Puri Jagannadh, S.S.Rajamouli iyo Teja.

Ugu Dambeyn filmka ay aadka ujeceshahay ayaa noqday Filmak DDLJ ee SRK iyo Kajol hogaamiyaha ka ahaayen waana filmka kaliya ee ay aadka ujeceshahay.