Taapsee Pannu waxay sameysay astaan ​​u gaar ah oo ay ku leedahay Bollywood-ka waxaana hadda loo arkaa mid kamid ah atariishooyinka ugu wanaagsan dhanka ganacsiga. Si kastaba ha noqotee, safarkeedu ma uusan ahayn dariiqa loo yaqaan ‘cakewalkk’. waxaana halkaan ku soo koobi doonaa xaqiiqooyin xiiso leh oo ku saabsan iyada.

Wexee dhalatay 1, Agoosto 1987, Taapsee Pannu wexee ku dhalatay Delhi. Taapsee wexee ka qalin jabisay cilmiga Computer Injineerinka waxay in badan ka shaqeysay Injineer software ah in muddo ah.

Taapsee, oo sameysay jilitaankeedii ugu horreeyay filimkii Telugu ee 2010 oo lagu magacaabo Jhummandi Naadam, waxaana filimkaas si weyn loogu amaanay qaab jiliinkeeda wixii intaa ka dambeeyay waxay ka qeyb ka ahayd dhowr filim oo caan ah.

Dhanka filimada Hindiga, waxaa lagu amaaney doorka ay ku leedahay filimada sida Manmarziyaan, Pink, Baby, The Ghazi Attack, Naam Shabana, Mulk, Badla iyo Saand Ki Aankh.

Safarkeeda guulaha ee Bollywood ka, Taapsee waxay sheegtey inay had iyo jeer hubin jirtay in sida ugufiican uga faa iidaysan jirtay fursadaha soo maray. “Waligey uma qorsheyneynin jidkeyga Bollywood, qof kale Laakiin hal shay ayaa ahaa mid joogto ah;- fursad kasta oo aan helo waxaan xaqiijin jiray inaan ka faa iideysto boqolkiiba boqol. Sababtoo ah waxaan gartay hal wax oo ah in aadan qasaarin fursadaha.- waligaa ma ogaan kartid waxa shaqeyn doona iyo waxa aan shaqeyn doonin ama daqiiqada lafiirin doono iyo waxa aan shaqeyn karin Waxaad u maleyn doontaa inay taasi tahay waxa ugu fiican “Taapsee ayaa sidaas tiri

Iyadoo ka hadlaysa nolosheeda jacaylka, Taapsee Pannu bishii Sebtember 2019, ayee shaaca ka qaaday inay xiriir la leedahay qof laakiin aanu qorsheyneynin inay guursato waqti dhow.

Taapsee xitaa waxay shaaca ka qaaday inay rabto inay caruur hesho waxay sheegtay inay doonayso aroos hal maalin ah !

Taapsee Pannu waligeed xiriir lama yeelan qof walboo ka socda shirkada Bollywood-ka ama banaanka warshadaha. Waxay qirtay in aanu ahayn qof jacayl wax yaabaha anshax xumada in ee sameeyso Waxay tiri “runtii anigu ma ihi qof wax yaabahaas jecel. Way igu adag tahay inaan waxyaabahaas oo dhan ku sameeyo kamarada horteeda,”.

Taapsee Pannu jimcadaan bari ayaa waxaa tiyaatarka loo saari doonaa filimka Thappad oo ay hogaamiyaha katahay.

W/D; Abdirahman Abdikadir Maankiz.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here