
waxaa hore idinla wadaagnay inay filimka Dabbang 3 si rasmi ah shaqadiisa u bilaabatay waxaana dib ugu midoobeen 10-sano kadib labadii wada sameeyeen filimkii HIT-ka weyn noqday Wanted waa Salman Khan iyo Prabhu Dheva.
iyadoo bilooyinka ugu dambeeyay si xatooyo ah lasoo helay sawirka Salman Khan xili uu ku guda jiray duubsita filimka Dabbang Qaybtiisa Sadexaad
waxaana maanta uu si weyn u haystaa baraha bulshada muuqaal Video ah kaaso lasoo dhigay barta Youtube aktarka Salman Khan waxaana muuqaalkan kaasoo muuqanaya hogaamiyaha filimkan aktarka Salman Khan kaaso daawadayaasha ogeysiinaayo inuu soo laabtay Chullbul Pandey iyo xiliga ka daawan doono filimkam waxaana dadka ay si weyn u xiiso gelinaya inya dib u arkaan doorkii caan ka ahaa Chulbul Pandey
Dabangg 3 waxaa la daawan doono feestada Christmas 2019 ama dabyaaqada sanadkan la daawan doono sida uu Salman Khan horey shaaca kaga qaaday. waana Action u gaar ah aktarka Salman Khan