Gabadha Modelka misna u dhalatay wadanka Mareykanka ee Irina Shayk ayaa kadib mudo 5 bil oo ay kasoo wareegatay markii ay kala hareen iyada iyo jilaaga Hollywoodka ee Bradley Cooper lagu arkay iyadoo la socoto wiil aanan la aqoonin qofka uu yahay.

Gabadhaan Modelka ah ayaa kahor inta aysan Bradley Cooper xiriir jaceyl la sameynin una dhalin gabadha haatan u joogto waxaa lagu xaman jiray in uu xiriir ka dhaxeeyo laacibka kooxda kubadda cagta Juventus iyo qaranka Portugal ee C.Ronaldo.

ايرينا شايك برفقة رجل غامض

Irina Shayk iyo Bradley Cooper ayaa mudo 5 bilood kahor kala hareen oo xiriirkooda dhamaaday waxayna haatan siwadajir ah u xanaaneystaan gabadhooda yarta ah.

Tan iyo markii 34jirtaan Irina Shayk ay ka hartay jilaaga Bradley Cooper lama arkin iyadoo nin kale la socoto balse maalintii shalay aheyd ayaa la arkay ayadoo kasoo baxeyso Hotelka Mercer eek u yaalo magaalada New Yorke waxayna gacanta heysatay nin aan heybtiis ilaa hada la aqoonin arintaasoo hadal heyn dhalisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here