Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxaa siweyn ugu kacsan dadka reer Koonfur Hindiya kadib markii bilawgii todobaadkan xafiiskii Delhi ku yaalo uu ku dhigay xaflad weyn oo loogu dabaal dagayay sanad guuraduii 150-aad ee halgamaa Mahatma Ghandi wuxuuna xafladaas ku casuumay jilaayaasha Bollywood-ka oo kaliya sidoo kalena wuxuu ku wareejiyay mashruuc xafiiskiisa laga maal galinaayo oo ah in isbadal dhalinta Hindiya lagu sameeyo oo dhaqankii wanaagsanaa ee Ghandi dadka la baro ayadoo fanka la adeegsanayo.

Balse saxaafada Koonfur Hindiya wey kasoo hor jeesteen mashruucan madaama laga qayb galinin sidoo kalena xidigaha Koonfur Hindiya kuwooda awooda badan ee gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka shacbiyad balaaran ku leh Ra’iisul wasaare Modi xaqiraad ku sameeyay oo uusan casuumin kana qayb galin mashruucan dhalinta Hindiya wax looga badalaayo.

Haddaba inta aysan hadlin jilaayaasha Koonfur Hindiya waxaa is celin weesay oo saxaafada la hadashay Upasana oo u dhaxdo Superstar-ka awooda badan Ram Charan waxayna sheegtay in marwalbo la dayaco ama xaqiraad lagu sameeyo jilaayaasha Koonfur Hindiya ee maanta maqaamka sare taagan weliba qoraal geesinimo ka muuqato ayay baraha bulshada soo dhigtay.

Upasana waxay soo qortay “Ra’iisul wasaaraheena sharafta badanoow mudane Modi, anaga reer Koonfur Hindiya ahaan waan kula dhacsanahay waana kugu faanaa inaa hogaamiyaheena tahay, anagoo tixgalineyno xushmada aad naga mudan tahay waxaan dareenay marka ay noqoto matalaada iyo hogaaminta dhaqanka iyo fanka Hindiya in fanka Konfur Hindiya laga dayacay ama lagu xaqiray in kaalintooda la siiyo. Waxaan soo bandhigaayay dareenkeyga iyo xanuunka aan qabo waxaan rajeynaa wadad saxda ah in la qaadi doono Hindiya ha noolaato.”

Aragtida geesinimada ka muuqato oo ay Ram Charan xaaskiisa baraha bulshada kusoo bandhigtay dad badan ayaa soo dhaweeyeen haatana waxaa culees lagu hayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Hindiya inay fanka Koonfur Hindiya tixgaliyaan dibna isku saxaan qaladkii dhawaan ka dhacay oo ay fanka Koonfurta ku xaqireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here