Waxaa jiro dagaalo afka ah oo dhexmaray seddexda Khans ee kala ah Aamir Khan, Salman Khan iyo Shah Rukh Khan hadaba qeyb qeyb ayaan usoo qaadan doonaa maadama Aamr iyo SRK isku dhaceen, Aamir iyo Salman na iskj dhaceen sido kale SRK iyo Salman iyagana wey isku dhaceen marka kis kis ayaana usoo qaadanena anagoo ka bilaaweyno xurgufta Aamir iyo SRK marka xogtan akhrisato ayaadna fahmi doontaa halka ay wax kasoo bilaawdeen iyo sababteed.

1996-SRK: qofkii guusha walaalkii ka maseero (Aamir Khan) waa eey axmaq ah.

Sababta waxay ahed Aamir Khan ayaa dhahay”aniga cid iga mudneed abaal marinta malahan Filimkeyga Rangeela na waa midka ugu fiican ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan” Aamir waxuu duray DDLj iyo sida SRK ujilay.

Filimkii ugu fiicnaa ganacsi ahaan iyo sheeko ahaana waxaa loo doortay DDLJ halka atooraha sanadka uu SRK noqday markaas kadib ayuuna SRK hadalke sare ugu so jawaabay Aamir sheekadaasna halkaas ayee ku dantay.

2001-Aamir Khan: Bollywoodka kala bar oo uwada jeedan ayuu salaanta la akmaray SRK arin taariikhi ah ayeena noqotay.

Sababta waxay ahed Aamir ayaa lagu casuumay daawashada Filimka KG3 Bollywoodka kala bar ayaana joogeen goobta markii Filimka lasoo dhameestay ayaa banaanka lagu kulmay waana xili aan Kabhi Khushi Kabhie Gham tiyaatarada la saarin balse lagu casuumay reer Bollywood si ay u qiimeyaan.

Aamir markuu soo dhameestay Filimka waxaa banaanka joogeen SRK iyo Karan Johar oo qofkii soo baxaba qaabilayeen waana loo wada hambalyeeynaayey balse Aamir si xushmad dari ah ayuu u akmaray SRK iyo Karan Johar dadkoo uwada jeedan gaarigiisa ayuuna galay meeshana wuu isaga tagay aad ayaana loola yaabay arinkaas.

Mardambe waxuu sheegay Aamir inuu dhaliilah KG3 muuqaalka udambeya ee dhamaadka ah wuuna ka cudur daarta ficilkii uu maalinkaas sameeyay.

2007-Aamir Khan: Shah Rukh waa eeygeyga lugaha ii leefaya ana buskud ayaan siinaya laakiin si kale yaan loo fahmin Shah Rukh waa eey gurigeena jooga.

Aamir ayaa si Online ah fariintan qoraal ahaan dadka ula wadaagay sanadkaas balse markii lala yaabah hadalkaas misane uu u arkay in lagu ceebeysanaayo ayuu qoraal kale soo saaray waxuuna dhahay,”khalad yaan la ii fahmin eeyga gurigeena joogo aniga uma bixinin magaca Shah Rukh ee markaan guriga iibsanaayey waxaan ugu imid eey dadkii lahaa ay ula baxeen Shah Rukh waxaana loogu talo galay inuj guriga ilaaliyo.”

SRK oo saxaafada arinkaas wax ka weydiisay waxuu yiri,”saaxiibada aan ku leeyahay Bollywoodka kaftankeyga ayaan ku xanuujiya iyagana waxay iskudayaan inee kaftan igu xanuujiyaan si ay iiga aargoostaan balse waxay ilaaweyn inaan aniga kaftanka ka caroonin.”

SRK ayaa tilmaamay in Aamir ka aargoosanaayo maadama isaga 1996 uu eey dhahay isagana uu hader aargoosi ahaan eey udhahaayo waxuuna sheegay inuusan ka caroonen aargoosiga iyo kaftanka.

SRK halmar ayuu ku xadgudbay Aamir waana 1996 wixii markaas ka dambeeyay waxuu iskudayaayey inuu saaxiib wanaagsan ka dhigto Aamir Khan balse dhanka Aamir isagu waxuu SRK ku xadgudbay tiro seddex jeer ah walina wuu daba taagnaa marwalbana wuu u cuqdadeesnaa.

Dagaalka labadan jilaa yaa bilaaway? Dhab ahaantii Aamir ayaa bilaaway waxaadna moodaa inuu Aamir ka xumaanayey guulaha SRK sababto ah SRK wuu kaga dambeeyay fanka Aamir si dhaqsi ah ayuuna hormar ku gaaray midaas Aamir kaliya ma ahane jilayaan badan ayaa ka xumayeen hormarka SRK inkastoo shaqsi ahaantiisa ay cuqdad u qaadin laakin xifaaltan ahaan waa la necbaa SRK balse Aamir cuqdad ayuu ku darsaday xifaaltanka.

Goormee saaxiibeen labadan jilaa:

Marwalba saaxiib ayee ahaayen sida guud mudadii ay isbarteen ilaa hada balse 2016 wixii ka dambeeyay waa saaxiibo dhab ah riyadii SRK ayaana rumowday oo ugu dambeyn saaxiibo ayee noqdeen hader waa 50 jiryaal oo 60 ayeeba kusii socdaan xushmad balaaran iyo saaxiibtinimo qaali ah ayaa ka dhaxeyso waqtigaan waana soo gudbin doonaan ammaanta iyo hadalada wanaagsan ee ay isdhaheen maadama maanta aan soo gudbinay wixii aflagaado ay isdhaheen.

Salman Khan ayaa udhaxeeyay labadan jilaa oo labadoodaba saaxiib ayuu la ahaa misane wuu lasoo shaqeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here