Jacqueline Fernandez waa atiriishada kaliya ee Bollywood kujirta taaso asal ahaan kasoo jeeda Sri Lank sido kalena koobka quruxda Sri Lank ayaa la gudoonsiiyay atiriishada dhowr iyo toban sano kahor waana sababta loo dhaho “quruxleyda reer Sri Lank.”

Jacqueline nolosheeda gaarka ah wali ma saldhiganin mana lahaayo nin ay xiriir rasmi ah la leedahay waqtigaan balse xanta la qoray hadii la rumeyso Fernandez waxay is gaad-gaad ugu jirtaa doobka-weyn Salman Khan.

Jacqueline waxaa markii hore lagu xaman jiray atooraha Sidharth Malhotra balse xiriirkaas xan kaliya ayuu ku ekaa waxayna xantaas socotay intii ay sameynayeen Filimka A Gentleman xiligaasna Sidharth waxay saaxiibo ahaayen Alia Bhatt oo ay safaaradaha kala qaadan rabeen.

Isku so dhowaanshahooda mashruucaas ayaa xan badan laga qoray ugu dambeyna wax kama jiraan ayee noqdeen hader Jacqy waxay ku nooshahay guriga beerta ee Salman Khan leeyahay halkaas ayeena ku xayiranyihiin intii mudada bandowga hindiya kajiro.

Muuqaalkii udambeyay waxaa la arkay Salman Khan, Jacqueline Fernandez iyo Lulia Vantur oo raashiin iyo dhar udirayaan dad masaakiin ah waxayna wada joogeen guriga beerta ah marka halkaas ayuu shakiga ka bilawday waxaana cadaatay in seddexdoodaba gurigaas ku nool yihiin sido kale Sallu iyo Jacqy Dance ayee halkaas ku bartaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here