-Akin Akinozu waa aktar Turkish ah kaasoona jila taxanayaasha turkiga wuxuuna horay uga soo muuqday dhowr taxane.

-Akin wuxuu dhashay 22dii Sebtember 1990kii waa 29 jir ku dhashay magaalada Ankara oo ah caasimada wadana Turkiga wuxuuna kasoo jeedaa qoys hodan ah iyadoona hooyadiis atariisho weyn ahaan jirtay.

Akin qoyska uu ka dhashay waa qoys hodan ah misna hanti badan heystaan sidoo kalana hooyadiis waxay ahaan jirtay atariishi weyn.

-Wuxuu waxbarashadiisa ku dhameystay magaalada Ankara asigoona sidoo kale ku takhasusay kuliyada xisaabaadka.

-Markuu waxbarashad dhameeyay ayuu go’aansaday inuu jilaa noqdo wuxuuna bilaabay inuu jilitaanka wax ka barto.

-Markii ugu horeysay uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay aheyd 2014tii.

-Wixii markaas ka dambeeyay Akin dhowr musalsal ayuu kasoo muuqday balse ma jiro mid guulweyn u gaaray.

-Akin guushiisa ugu weyn waa taxanaha haatan u socdo ee Hercai kaasoona guul lama filaan ah gaaray kadib markii la isugu geenay jilayaal waaweyn sidoo kalana sheeko cajiib ah lagu kabay.

-Akin waa muslim heysto diinta islaamka sidoo kalana waalidkiisa waa muslim.

-Intuusan fanka kusoo biirin kahor Akin miisaankiisa ayaa kor u dhaafay 120kg wuxuuna dadaal iyo juhdi dheer u galay sidii uu miisaankaas isaga ridi lahaa asigoona ugu dambeyn ku guuleysaty wuxuna iska riday kudhawaad 50kg asigoona haatan ah 74kg.

-Akin waligiis ma uusan guursan sidaas owgeed wax caruur ah madhalin.

-Akin haatan wuxuu kamid yahay jilayaasha loogu jecelyahay gudaha turkida iyo daafaha caalamka kadib markii uu dadweynaha kusoo jiitay qaab jiliinkiisa cajiibka ahaa ee uu kusoo bandhigay taxanaha Hercai.

-Hadaba Akhristow adiga sidee u aragtaa jilaagaan qaab jiliinkiisa taxanaha Hercai??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here