Prabhas waa atoore tagay waxuuna noqday Superstar India oodhan la dhaxeeyo oo Bollywoodka ayuuba hader soo gali rabaa awood balaaran ayuuna ku yeeshtay kadib saamentii Baahubali.

Wareysi ugu dambeeyay Prabhas lala yeeshto waxuu ahaa midkii Kapil Sharma kaga qaaday barnaamijkiisa The Kapil Sharma Show halkaasna Prabhas waxuu u tagay inuu ku xayeysiiyo Filimkiisa Saaho.

Saaho oo dhinac Bollywood ka ahaa waxuu Prabhas ku qasbanaa inuu xayeysiin balaaran u sameeyo maadama 350 Crore miisaaniyad ah uu xambarsanaa hadaba suaalo xiiso leh ayaa xidigaan meesha lagu weydiiyay waxaana la socotay Shraddha Kapoor sido kale waa markii ugu horeysay taariikhda Prabhas Filim uu atoore ka yahay xayeysiin u sameeyo.

Prabhas waxaa la weydiiyay atooraha uu Bollywoodka ka taageero sida guud waxuuna yiri,”waxaan taageero weyn u ahay misane jeclahay Shah Rukh Khan iyo Salman Khan.”

Dhanka kale waxaa la weydiiyay atiriishooyinka Bollywoodka kuwa uu ka xiiseeyo misane ka taageero seddex ayuuna magacaabay,”atiriishooyinka waqtigaan jiraan seddex ayaa ka taageeraa waana Deepika, Alia iyo Katrina.”

Jilaagan suaalihii kale ee la weydiiyay waxaa kamid ahaayen inuu sheego Filimada Bollywoodka kuwa uu ugu jecel yahay waxuuna yiri,”Sholay iyo Dangal” wuxuu kaloo tilmaamay inee aflaam badan jiraan balse labadaas ugu horeyaan.

Prabhas waxuu wax kama jiraan ku tilmaamay in 5,000 gabdho soo doonteen intuu atooraha ahaa oodhan sido kale waxuu sheegay in mustaqbalka dhow uu sameeyn doono Filimo badan oo Bollywood ah balse sheeko fiican uu sugaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here