Xidiga sida weyn looga dambeeyo dhanka Hollywood-ka Robert Downey Jr. jab lama filaan ah ayaa ku dhacay madaama filimkiisa cusub Dolittle ganacsi liito uu sameeyay sedexdiisa maalmood ugu horeyso gudaha USA Boxoffice waxaana cadaatay in Robert Downey Jr. kaliya ku wacan yahay taxanaha Iron Man inuu sameeyo oo awoodiisa halkaas ku jirto ama doorkiisa Iron Man shaashada kaliya kaga soo muuqdo.

Filimka Dolittle wuxuu gudaha USA Boxoffice kasoo xareeya afartiisa maalmood ugu horeesay $29.5m waana ganacsi aad u liito weliba ayadoo fasaxa Martin Luther King Jr. gudaha Mareekanka ka jiray waxaana filimkan la saaray 4155 tiyaatar taasi oo ka dhigan cel celis ahaan tiyaatar walbo inuu kasoo xareeyay $7,099 waxayna la kulmi doontaa shirkada Universal Picture qasaaro madaama mashruucan xambaarsan yahay miisaaniyad gaareyso ilaa $175m.

Filimka Dolittle suuqyada caalamka wuxuu kasoo xareeyay $30.03m ayadoo laga daawaday 42-suuq todobaadkan waana ganacsi liito inkastoo uu Bariga Dhexe ganacsi ahaan ku wacan yahay waxaana xusid mudan ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray inuu ilaa haatan soo xareeyay $57.3m waana ganacsi bur bur ka muuqdo hubanti ahaan.

Robert Downey Jr. wuxuu la kulmay waji gabax xoogan madaama ay cadaatay in xidigan filim uusan doorka Iron Man ku mataleyn dadka ka iibin karo sidoo kalena shirkada Universal waxay noqoneysaa shirkadii ugu horeesay sanadkan cusub 2020 Boxoffice-ka qasaaro kala kulanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here