Atooraha caanka ah ee door walbo sameyn karo Irrfan Khan ayaa la sheegay in hooyadiis ku geeriyootay magaalada Jaipur ee caasimad u ah gobolka Rajashthan waxaana la ogaaday in Irrfan gudaha Hindiya ku sugneyn kana qayb qaadaneyn duugta hooyadiisa.

Irrfan Khan hooyadiis waxaa lagu magacaabi jiray Saeeda Begum waxaana la sheegay in si dabiici ah u dhimatay oo tii Alle u timid balse xanuunka dunida haatan dhibaatada ku haayo Coronavirus sabab u ahayd geerideedii waxayna geeriyootay ayadoo 95-jir ah.

Balse Irrfan Khan gudaha Hindiya kuma sugno waxaana la isla dhex maraa inuu Ingiriiska ku laabtay si daaweyntiisa usii socoto madaama jilaagan dhawaan kasoo kabtay xanuunka Kansar-ka oo in mudo ah laga daawaneeyay.

Jilaaga dhanka shactirada looga haray Deepak Dobriyal oo ay Irrfan saaxiibo dhow yihiin sidoo kalena filimkii Angrezi Medium isla sameeyeen xitaa ma garan karo halka uu saaxiibkiis ku sugan yahay wuxuuna yiri “Waan ka xumahay geerida Irrfan hooyadiis ku timid balse ma aqaan halka uu ku sugan yahay waxaan u maleynaa inuu London joogo oo halkaas daaweyn u doontay.”

Sidoo kale Director Shoojit Sircar oo Irrfan u sameeyay filimkii Piku isagana wuxuu yiri “Ma aqaan halka Irrfan ku sugan yahay waxaan kaga tacsiyeenaa geerida hooyadiis ku timid waqtigan adag, balse islama hadlin Irrfan waxaan rajeynaa inuu nabad qabo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here