Irrfan Khan” Xaaskeyga Kaliya Xaas Ii Ma Ahan Ee Saaxibteyda Qaaska Ah Waye Wax Walbana Ka Wada Sheekesano.”

Atooraha ugu wanaagsan Bollywoodka sanadkaan Irrfan Khan ayaa ka dhawaajiyay in xaaskisa ay tahay saaxiibtisa ugu wanaagsan.

Irrfan waxuu sanaadkaan ku guulestay abaal marinta Filmfare Awards qeybta atooraha ugu wanaagsan waana atoore qaab jiliin heer sare ah leh.

Hadaba  xidigaan ayaa saxaafada la falgalay waxuuna ka hadlay xaaskisa isagoo leh,” xaaskeyga waa saaxiibteyda ugu wanaagsan wax walbona aan ku qarsado wax walbana aan kawada hadalno.”

“Waa shaqsi qibrad weyn u leh fanka maadama aan hal School kawada baranay qaab jiliinka balse iyada waxay ku fikirtaa dhanka maal galinta oo inee film qarash gareyso aye rabtaa waana qof iga karti badan aniga ahaan marka aan arko fikradeheda iyo wax qabaadkeeda.”

Irrfan xaaskisa waxaa lagu magacaaba Sutapa Siktar waxayna is guursadeen sanadkii 1996 ayadoo u dhashay 2 wiil ah oo lagu kala magacaabo Babil iyo Ayan.