Is bar bar dhig lagu sameeyay afarta filim TV-yada Blockbuster ka noqdeen Judwaa 2 v Tiger Zinda Hai v Golmaal Again v Baaghi 2

Baaghi 2, Golmaal Again, Judwaa 2 iyo Tiger Zinda Hai waxay noqdeen aflaan Blockbuster weyn ka noqdeen TV-yada sidoo kalena qoysaska ka xiiso dhigi weesan yihiin.

Dhab ahaantii marka Baahubali 2 meel la iska dhigo afartan filim waxay noqdeen kuwa Blockbuster-ka ugu weyn TV-yada ka noqdeen 10-kaan sano gabo gabada ku dhow (2010 ilaa 2019).

Tiger Zinda Hai oo Salman Khan iyo Katrina Kaif wada jileen wuxuu noqday filimka TV-yada loogu daawasho badan ee shirkada Yash Raj Films sameyso wuxuuna dhanka TV-yada ku garaacay filimada Dhoom 3 iyo Sultan.

Tiger Zinda Hai waxaa ilaa haatan daawadeen 40-milyan oo qof dhanka TV-yada weliba kaliya tiro afar jeer ah ayaa Satelite-ka lagu soo fasaxay.

Judwaa 2 iyo Golmaal Again iyagana in ka badan 50-milyan oo qof ama qoys ayaa TV-yada ka daawadeen waxaana hawada Satelite-ka lagu soo cel celiyay tiro sideed jeer ah.

Baaghi 2 oo isagana TV-yada ku cusub si waali ah ayuu ku bilaawday waxaana muuqato inuu la mid noqon doono Judwaa 2, Golmaal Again iyo Tiger Zinda Hai tiro ahaan inta daawatay ama lagu soo cel celiyay dhanka Satelite-ka.

Fadlan hoos kaga bogo Baaghi 2, Golmaal Again, Judwaa 2 iyo Tiger Zinda Hai isku bar bar dhig shabakada BOI ku sameesay mid walbo tirada tikit u goosatay:

Judwaa 2

1-aad – 15-milyan iyo 266,000

 

 

2aad – 9-milyan iyo 278,000

 

 

3-aad – 6-milyan iyo 378,000

 

 

4-aad – 6-milyan iyo 453,000

 

 

5-aad – 4-milyan iyo 60,000

 

 

6-aad – 3-milyan iyo 414,000

 

 

7-aad – 4-milyan iyo 280,000

 

 

8-aad – 3-milyan iyo 565,000

 

 

TOTAL –  52-milyan iyo 694,000 oo qof

 

Golmaal Again

1-aad – 16-milyan iyo 352,000

 

 

2-aad – 15-milyan iyo 871,000

 

 

3-aad – 8-milyan iyo 270,000

 

 

4-aad – 5-milyan iyo 150,000

 

 

5-aad – 4-milyan iyo 916,000

 

 

6-aad – 4-milyan iyo 219,000

 

 

TOTAL – 54-milyan iyo 778,000

 

 

 

Tiger Zinda Hai

1-aad – 13-milyan iyo 704,000

 

 

2-aad – 10-milyan iyo 396,000

 

 

3-aad- 7-milyan iyo 182,000

 

 

4-aad – 7-milyan iyo 414,000

 

 

TOTAL – 38-milyan iyo 696,000 oo qof

 

 

 

Baaghi 2

1-aad – 16-milyan145,000

 

 

2-aad- 9-milyan iyo 84,000

 

 

TOTAL – 25-milyan iyo 22900 oo qof

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*