Alia Bhatt iyo Varun Dhawan waa labo saaxiibo isku fiican tan iyo markii sanadkii 2012 ay hal mar kusoo wada caan baxayn filimka Student of Year

iyadoo labadan aktarka hadda ay ku mashquulsan yihiin la shaqaynta aabayaashooda maadaama Varun Dhawan oo ku guda jiro duubista dib u samaynta filimka Coolie no.1 kaaso Director ka yahay aabihiisa David Dhawan

sidoo kale Alia Bhatt iyadana waxa ay dhawaanahan ku mashquulsanayd duubsita filimka Sadak kaaso Director ka yahay aabaheeda Mahesh Bhatt

laakiin weli waxaa muuqanaya erayga is-qaraabaysi inuu ka jiro Bollywoodka maadaama labadan jilaa qoyskooda ay ka caawiyeen inay fanka magac ku yeeshaan sababtoo ah waxa ay kasoo jeedaan qoysas magac ku dhex leh Bollywoodka

waxaana wararka sheegayaan Alia Bhatt inay fanka soo gasho uu ka saaciday adeerkeeda Mukesh Bhatt kaaso la hadlay Karan Johar si uu Alia ugu soo caan bixiyo maadaama Karan uu yahay shaqsi si weyn u garanaya soo caan bixinta jilayaasha Bollywoodka ku cusub

sidoo kale Varun inkasta uu yahay jilaa karti badan haddana waa mid aad ugu tiirsan caawinaada kaga timaada qoyskiisa si gaar ah aabihiisa David Dhawan kaaso u sameeyay labo filim oo Super Hit ah kuwaaso kala ah Main Tera Hero iyo Judwaa hadda waxa ay isla duubayaan dib u samaynta filimkii Coolie no.1

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here