Atirishada Kangana Ranaut dhawaan waxay sheegtay inay sameesatay shirkad aflaanta maal galineyso sidoo kalena lagu soo caan bixinaayo dhalinta aan wax garabka ah heesanin ama ehel Bollywood-ka ka tirsan kasoo jeedin sidoo kalena waxay baaq u dirtay shirkdaha iyo shaqsiyaadka Bollywood-ka ugu awooda badan in is qaraabeysiga meesha laga saaro oo jilaayaasha lagu soo xusho qaab jiliinkooda.

Laakiin Kangana Ranaut hadalka kasoo yeeray cid dhagta u raaaricisay ma jirto kadib markii Karan Johar oo ka mid ah filim soo saarayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan sheegay in shirkadiisa Dharma Productions soo caan bixin doonto jilaaga caanka ah Vindoo Dara Singh oo lagu magacaabo Fateh Dara Singh.

Fateh waxaa waalid u ah atirishadii caanka ahayd Farha iyo Vindoo Dara Singh uu isagana sanadii 1994 Bollywood-ka kusoo galay filimkii Karan laakiin nasiib daro wey u kala kici weesay wuxuuna waayihiisa fanka Hindiya ku bad baadsaday atoore caawiye inuu noqdo ama aflaanta doorar xadidan ku yeesho.

Vindoo Dara Singh waxaa aabo u ah halyeegii Bollywood-ka laga dambeyn jiray Dara Singh haatana wuxuu ku faraxsan yahay in wiilkiisa Fateh Dara Singh uu Karan Johar soo caan bixinaayo weliba waxaa la sheegay filimka Dostana 2 inuu wax ka jili doono oo ay hogaamiyaal ka yihiin Rajkummar Rao iyo Jhanvi Kapoor.

Karan Johar ayaa sheegay inuu il gaar ah ku haayay Fateh 4-sano ugu dambeeseyna tababar dhan walbo oo jiliinka ku aaday uu qaatay wuxuuna Karan ku kalsoon yahay in Fateh uu leeyahay karti iyo awood uu ku noqon karo sida Varun Dhawan iyo Sidharth Malhotra oo kale madaama labadan wiil Karan Johar soo caan bixiyay sanadii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here