Isbarbardhig lagu sameeyay sidey ku furmeen filimada Housefull afartooda qeyb maalintooda koowaad

0
1444

.

Taxanaha Housefull waa taxane hirgalay isla markaasna dadweynaha aad uga heleen waana taxane Comedy ah asigoona ay hogaamiyayaal ka yihiin Akshey Kumar iyo Riteish Deshmukh afartiisa qeyb-ba.

Hadaba waxaan halkaan kusoo bandhigi doonaa isbarbardhig ay BOI ku sameysay taxanahaan afartiisa qeybood sidii midkasta ku furmay maalintiisa koowaad.

Ugu horeyn taxanaha Housefull ayaa dhamaan qeybihiisa waxay ka simanyihiin in midkasta uu ku furmay darajada Good balse waxaa ugu roonaa Housefull2.

Housefull4 ayaa keenay laban lab lacagaha uu keenay Housefull qeybtiisa koowaad oo aheyd 9.32 crore halka housefull4 uu shalay keenay 18.50 crore.

Hadaba halkaan kaga bogo taxanaha Housefull 4tiisa qeybood iyo midkasta maalintiisa koowaad lacagaha uu keenay iyo sanadka uu soo baxay;

Housefull; 9.32 crore 2010kii.

Housefull2; 12.19 crore 2012dii.

Housefull3; 15.24 crore 2016dii.

Housefull4; 18.50 crore (qiyaas) 2019ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here