Dadka arimaha Bollywoodka la socdaan ilaa hada uma kala cado inuu xiriir ka dhaxeeyo Ishaan Khattar iyo Janhvi Kapoor balse waa la isku xantaa labadan lamaane sanadkii hore Bollywoodka kusoobiireen.

Mira Rajput oo lagu yaqaano Instagram-keda inee kala kiciso sawiro iyo aqbaaraad xiiso lehna asaxaabteda la wadaagto ayaa maanta oo axad ahed ka qoslisay taageerayaasheeda qaarba usoo qoreen”you made me my day.”

Mira waxay sheegtay in Janhvi maanta gurigooda kusoo booqatay xili ay wada joogeen Shahid Kapoor iyo Ishaan Khattar oo walaalo ah qadada Janhvi ayaa u sameysay waliba qado kala nooc ah.

Khudaar kala nooc ah ayee karisay, bariis, sabaayad iyo cunooyinka hinduuga cunaan sida Mira sheegtay faraha ayee isgoosan gaareen macaanka cunada ay Janvhi karisay.

Dadkii Faallo ka dhiibteen Post-ga Mira badankood waxay lahaayen Ishaan nasiib ayuu leeyahay haduu guursado Janhvi marba hadii cunno macaan u karin taqaano taasi in lala yaabo ma ahan Janhvi xili hore waxaa soo tabobartay hooyadeed Sridevi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here