Home » Wararka Maanta » Iska hilmaan Big Boss 11 hada TV-yada waxaa qabsaday Arjun Bijlani iyo musal salkiisa Ishq Main Marjawan

Iska hilmaan Big Boss 11 hada TV-yada waxaa qabsaday Arjun Bijlani iyo musal salkiisa Ishq Main Marjawan

Sanadkii hore oo dhan 2017 waxaa TV-yada maa musal salada la daawado loogu jeclaa Jennifer Winget musal salkeedii Beyhadh kaasi oo helay dhibcaha qiimeynta TV-yada ugu sareyso iyo jaceylka qoysaska.

Haatana waxaa Satellite-ka TV-yada qabsaday oo aad loogu waalan yahay Arjun Bijlani iyo Aalisha Panwar musal salkooda qayaanada, jaceylka iyo cabsida isku jiro ah Ishq Main Marjawan.

Waxaa la yaab ah todobaadka ugu horeeyo 2018 ama sanadkaan in ka badan 10-milyan oo qoys inay daawadeen musal salka laga daba dhacay Ishq Main Marjawan.

Waxaana xusid mudan todobaadkii ugu dambeeyay 2017 in musal salka Ishq Main Marjawan ay hawada ka daawadeen 4.6-milyan oo qoys taasi oo ka dhigay in jaceylka musal salkan bulsho weynta Hindiya oo dhan iyo daafaha caalamka uu ku baahayo.

Colors TV ayaa hawada kusoo daayeen musal salka Ishq Main Marjawan 22 September 2017 waxaana la daawadaa labo jeer todobaadkii Sabti iyo Axad sidoo kalena 82-xalqo ayuu ka kooban yahay.

Inta badan qoysaska waxay jeclaayeen bilooyinkii ugu dambeeyay daawashada barnaamijka Big Boss 11 ee Salman Khan dhex dhexaadiye ka yahay dhalin kala duwana ku tartamaan.

Laakiin hada Hindiya oo dhan waxaa heesto musal salka Ishq Main Marjawan sidoo kalena Colors TV waxay sheegeen mashruucaan inuu yahay midkoodii ugu saameynta badnaa oo ay dhawaanahan sameeyaan dhanka musal salada la daawado.